ARK NETWORK reference.ch · populus.ch    
 

  Hudda 

 Home  | Gästebuch  | Fotoalbum  | Kontakt  

 

 

Rubriken

Links


Waxa Qoray:-M/med Barre Xaaji

Hudda waxaa la dheeraday habeenkii iyadoo hadba dhan uga seexaneysay sariirta gal galashana daashay hurdo qarow ah ayeyna ka bixi weysay waxaa ayna arkeysay iyadoo wiilka ay calmatay la hasaweysa isaguna tusayo sida ay jaceshahay ee ah jaceyl dhaba hudda waxaas oo dhan in ay yihiin riyo waxaa ay ucadatay markii ay daanka gacanta ka marisay hooyadeed macan ramlo oo ay tiri toos hooyo xiligii iskuulkaa la gaaray hudda inta booday ayey dhinac yada eegtay waxaa ayna ogaatay in howl udhiman tahay hanadna aysan wali la hadal xaalkuna taagan yahay wal wal iyo walaahow jaceyl hudda inta mayratay ayey si qurux badan isu diyaarisay iyadoo awalba aheyd cad ceed lamood dharkeedii iskuulka markii ay xiratay ayey usoo dhaqaaqday in ay fuusho gaarigii geyn lahaa iskuulka iyadoo dareewalkuna diyaar ku ahaa kursiga gaariga Hudda waxaa ay daanka ka soo dhunkatay hooyaded wax yar ka dibna waxaa ay usoo dhaqaaqeen dhankaa iyo iskuul hoose dhexe Hodan waxa ay sii xawareeyana waxay soo gareen iskuulka iyadoo si xarago leh uga soo dagatay Baabuurka ardada ayaa isha iyagu la raacayey iyadoo ruuxii arkaa la indho darandarayey quruxdaan is qabatey ee qalbiga qac ka siineysa Hudda sidii ay usoo talaabsaneysay waxaa ay soo gashay Fasalkeedii waxaa ayna si aan ka gabasho laheyn ufariisatay Kursigii dheeraa ee uu Hanad fariisan jiray ardadii ayey lama filaan ku noqotay arinkan waxaana Hudda lagu yaqaan in ay fariisato kursi kale oo isagu safka hore yaalay dhowr Gabdhood ayaa iyagu damcay in ay hoos uga baqaan balse taas Gabadhan cishqiga ka ladi weysay Dhag uma dhigin Hudda waxa ay dhararsaneyd imaatinka Hanad oo aan wali Fasalka soo galin Ardada ayaa iyagu la yabanaa Hudda saakay waxa ay ufariisatay Kursiga lagu yaqaan Wiilka Faqiirka ah iyadoo la ogyahay in Farqi weyn udhaxeeyo labadooda inyar ka dib waxaa Fasalka fooda soo galiyey wiilkii boobaraha ahaa kaas oo ay soo dishay Lug awoodna uwaayey wax uu Gaari ku soo raaco Hanad oo uu dhidid ka da`ayo ayaa soo dhinac fariistay Inanta uheelan aragiisa iyo agjoogiisaba markuu salka Kursiga la helay ayuu si hoose oo ay Xishood ku dhehan tahay uyiri Subax wanagsan Abaayo , Wanagsan aboowe ayey iyadana ugu soo Jawaab celisay iyadoo markaasi laabteeda ka dareentay Qabow iyo Dareen qaas ah Hanad ayaa isagu aad ula yabanaa ujeedka ay Sakay Kursigiisa usoo Fariisatay Hudda balse marnaba ma filaneyn in Saakay Hudda waxa Kursigiisa keenay uu yahay Damac laba kala bariday kala war la`a waxyar ka dib waxaa bilowday Duruustii iyadoo Arday kastaa hoosta ka Eegayo Hudda iyo halka ay Fadhido Saakay waxaana Fasalka laga Dareemayey Shux shux hoose inkastoo aysan marnaba soo dhaweysanin in Hudda halkaa geyey kalgacal ay uqaday Hanad waase la arki doonaa wixii ay arin ku danbeyso duruustii waxaa ay socotaba waxaa soo gaba gaboobey Qeybtii koowaad waxaana dhacay Ganbaleelkii iyadoo ardadu ay udareeren in ay soo qataan Biririf Hanad isagu Fasalka inta badan kama baxo ileen maba awoodo Qarash uu wax uga soo cuno Biibitada Iskuulku leeyahay Hudda oo dib isu dhigtay ayaa tiri Hanad Aboowe nakeen aan bananka aadnee Hanad oo la yaban hadalkaa ayaa yiri intee adeynaa? markaas ayey tiri Banaanka Ardadii wey wada baxeenee Hanad oo caan ku ahaa in Fasalka lagu soo noqdo ayaa la yabay ujeedada Hudda oo uusan waligii hadalkaa iyo mid udhow uusan ka maqlin wuxuuna ajiibay in uu Banaanka ula soo baxo Hudda oo ay saaran tahay Culeys Kalgacal oo aad uweyn ayaa soo Garab socotay Hanad markii ay Banaanka usoo baxeen ayaa waxaa mar kaliya soo eegay Ardadii iyagoo la yaban Saakay waxaa is daba dhigay labadan qof ee midna uu Qoyskooda Faqiir yahay midna uu Qoyskooda yahay Taajir markii ay in yar taag tagsadeen Hanadna uu yaban yahay dhowr su`aal oo Casharka ka mid ahna ay weydiisay Hudda ayey markii danbe ku tiri ina keen aan aadnee Biibitada Hanad hadalkaa Naxdin ayey ku noqotay maadama uu ogyahay in uusan Lacag heysan in uu ka diido ayuu isku dayey balse Hudda ayaa iyadu ku adkeysatay in ay isracaan Hanad oo hoosta ka walwalsan ayaa raacay waxaana la iska xaadiriyey halkii ay ku shamuumsanayeen ama ka buuxeen Ardada ee ay ku cunayeen Cunada fudud waxaa ayna markiiba Hudda weydiisay waxaa uu ka helo Hanad isna wuxuu ugu jawabay wixii adiga aad ka heshaa noo Dalab Abaayo hadalkaas Hudda laabteeda hur jaceyl ayuu galiyey waxaa ayna eegmo naxariisleh ku Eegtay wiilka ay calmatay ahna wiil aad ufaqiira iyadoo tiri waxaan rajeynayaa in Dooqeyga aad ku Qanci doonto mar hadaad tiri waxaad ka hesho noo dalab. 
 

(c) Fada Hudda - Diese Website wurde mit Hilfe von Populus generiert.
Letzte Änderung am 6.03.2004